Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Badda Faransiiska oo qabtay burcad-badeed


Markab kuwa dagaalka ah oo ay Faransiisku leeyihiin ayaa biyaha Somalia ku qabtay 35 burcad-badeed oo Somalia ah sadexdii maalmood ee la soo dhaafay.

Wasaarada difaaca ee dalka Faransiiska ayaa sheegtay in markabka dagaal ee lagu magacaabo Nivose uu ka qeyb-qaatay gacan ku dhigida afar doonyood oo waaweeyn oo ay lahaayeen burcad-badeedda iyo lix doonyood oo yar yar, iyagoo gacan ka helaya ciidamada ilaalada hawada ee dalka Spain.

Hawlgalka Midowga Yurub ee ka dhanka ah burcad-badeeda (NAV-FOR) ayaa sheegay shalay in burcad-badeedda Soomaalida ay sii daayeen Markab kaluumeeysiga ah oo sitay calanka Thailand kadib markii laga bixiyay lacag madax-furasho ah.

Tirada lacagtasi laga bixiyay (Thai Union -3 ) ayaan la sheegin , markabkaasi oo la qabsaday bishii Oktober ee la soo dhaafay.

Burcad-badeedda geeska Afrika ayaa madax-furasho uga qaatay malaayiin Dollar afduubka maraakibta sanadihii la soo dhaafay.

Ciidamada EU ayaa sabtiddii la soo dhaafay xaqiijiyay in burcad–badeedda Somalida ay qabsadeen markab kuwa walxaha kiimikada qaada ah oo ay la socdaan 21 shaqaale oo uu dhashay Burma.

Markabakaasi oo la yiraahdo magaciisa UBT ocean ayaa markii la qabsaday wuxuu ku jira safar uu kaga yimid Imaraadka Carabta, isagoo ku sii jeeday dalka Tanzania.

XS
SM
MD
LG