Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burburkii Dowladnimada Soomaaliya


Burburkii Dowladnimada Soomaaliya
Burburkii Dowladnimada Soomaaliya

VOA waxay idiin soo gudbineysaa 5 barnaamij oo taxane ah oo ka hadlaya sababihii dhaliyay burburkii dowladnimada Soomaaliya.

Waxaa laga joogaa 20 sano markii Jabhadihii mucaaradka Soomaaliya ee fadhigoodu ahaa dalka Itoobiya ay xukunka qoriga caaraddiisa kaga tureen xukuumaddii milatariga ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Dhicitaanka dawladdaasi waxay Soomaaliya u horseedday dagaallo sokeeye iyo qalalaase siyaasadeed oo socda sannadkii labaatanaad.

Kadib qabashada 15 shirar dib u heshiisiineed iyo dhexdhexaadin caalami ah waxay u muuqataa inaan weli fari ka qodnayn khilaafka siyaasadeed, dagaallada kooxeed iyo loollanka qabaa’illada. Isweydiintu waxay tahay maxay Soomaalidu uga faa’iidaysan weyday taariikhda lasoo maray si ay dawladnimadeeda iyo qarannimadeeda dib ugu hanato?

Haddaba idaacaddan VOA kala soco barnaamijyada taxanaha ah ee “Burburkii Dawladnimada Iyo Qaran-jabkii Soomaaliya”. Waxaa soo diyaariyey Haaruun Macruuf, waxaana lasoo jeedinaysa Sahra Ciidle Nuur.

XS
SM
MD
LG