Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Blinken oo Bariga Dhexe kasoo laabtay natiijo la'aan


Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa soo geba-gebeeyay safarkiisii ugu dambeeyay ee Bariga Dhexe, isagoo aan wax war ah kasoo saarin heshiis xabad-joojin ah iyo mid lagu sii deynayo la haystayaasha Isreal ee Xamaas gacanta ugu jira.

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa u sheegay Blinken intii uu socday kullan ay yeesheen Arbacadii in aysan aqbali doonin heshiis kasta oo ku saabsan sii daynta la haystayaasha oo shuruud looga dhigayo joojinta dagaalka Gaza.

Waxaana uu sheegay in howlgal milateri oo qorsheysan oo lagu qaado magaalada Rafah uu dhici doono haddii ay jirto xabbad joojin iyo haddii kaleba.

Weriyaha VOA-da uga soo waranta arrimaha diblomaasiyadda Cindy Saine ayaa warbixintan inoo soo dirtay. Cabdulqaadir Maxamed Mursal ayaa soo jeedinaya.

Blinken oo Bariga Dhexe kasoo laabtay natiijo la'aan
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:21 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG