Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bahuko: Ciidamo cusub Muqdisho ma soo gaarin


Bahuko: Ciidamo cusub Muqdisho ma soo gaarin
Bahuko: Ciidamo cusub Muqdisho ma soo gaarin

Major Barigye Bahuko , Afhayeenka Ciidamada AMISOM ayaa beeniyay warar sheegaya in ciidamo cusub oo ka socda Uganda ay Muqdisho tageen.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM, Barigye Bahujo ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamado cusuboo ka socda dalka Uganda ay gaadheen magaalada Muqdisho.

Wararkan ayaa warbaahintu ka soo xigatay ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee Midawga Africa ugu qaabilsan dalka Somalia,Wafula Wamunyinyi . Major Bahuko ayaa sheegay in warkaasi si khalad ah ay warbaahintu u fahantay.

Bahuko, wuxuu sheegay inaan la qarin karin haddii ciidamo ka socda dalalka Africa ay tagaan Somalia,

Uganda ayaa ku balan qaadday in ay ciidamo dheeraad ah u soo dirayso dalka Somalia,kadib markii ururka Al-shabaab ay laba weerar oo is qarxin ah ay ka gaysteen magaalada Kampala ee xarunta wadanka Uganda bishii aynu ka soo gudubnay, qaraxyadaasi waxaa ku dhintay 76 qof.

XS
SM
MD
LG