Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AU oo Gudoomiye Cusub Dooratay


Waxaa shalay ka furmay magaalada Adisababa ee xarunta dalka Ethiopia Shir madaxeedka Midowga Africa, kaasoo ku baaqay in ururka uu kaalin fir fircoon ka qaato xal u helidda colaadaha gobolka.

Midowga Africa ayaa qorysheynaya inuu faragelin military ku sameeyo bariga Jamhuuriyadda dimuquraadiga ee Congo, iyo dalka Mali.

Shirkaasi intii uu socday ayaa waxaa dhacday doorasho lagu kala saarayay gudoomiyaha ururka Jean Ping iyo wasiirka arimaha gudaha ee Koonfur Africa haweeneyda la yirahdo Nkosazana Dlamini-Zuma, oo labudaba horey doorasho uga kala bixi waayay bishii January .

Wareegii afaraad ee doorashada ayaa waxaa ku guuleystay Mrs. Dlamini-Zuma oo noqotay madaxa cusub ee Midowga Africa.

Raisul wasaare ku xigeen DKMG ahna Wasiir ganacsiga iyo Warshadaha Cabdiwahab Ugas Xuseen ayaa ka mid ahaa madaxdii kulankaasi ka qeybgashay.Wareysi VOAda ay la yeelatay wasiirka halkan hoose ee qoraalkan ka dhageyso

waxaana ugu horeyn weydiiyay waxa looga hadalay.

XS
SM
MD
LG