Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Ergeyga Somalia ee Mareykanka


Wareysi: Ergeyga Somalia ee Mareykanka
Wareysi: Ergeyga Somalia ee Mareykanka

Ergeyga cusub ee ay dowladda KMG ah usoo magacowday Somalia, Abukar Cabdow Carmaan, ayaa wareysigiisii ugu horreeyey siiyey Qeybta Af-Soomaaliga ee VOA-da.

Ergeyga cusub ee ay dowladda KMG ah ee Somalia u soo magacowday Washigngton, Abukar Cabdow Carmaan, ayaa sheegay in hadafkiisa koobaad uu noqon doono sidii uu isugu xiri lahaa dowladda Somalia iyo dowladda Mareykanka, oo aan wax xiriir diblomaasiyadeed laheyn muddo 20 sano ku dhow.

Mudane Carmaan, oo ah 49-jir, muddo 30-sano ku dhowna ku noolaa dalka Mareykanka, ayaa wareysigiisii ugu horreyey ee uu bixiyo, wuxuu VOA-da u sheegay in ka shaqeyn doono sidii uu xafiiskiisa cusub u gaarsiin lahaa heer safaaradeed. Mudane Carmaan, oo toddobaadkan u joogay magaalada Washington si uu warqadihiisa aqoonsiga ugu gudbiyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, ayaa sheegay inuu xoogga saari doono sidii ay Washington iyo Muqdisho u lahaan lahaayeen calaaqaad siyaasadeed oo qoto-dheer.

Abukar Carmaan, oo hore u ahaa macallin, qoraa iyo firfircoone ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka, ayaa sheegay inuu sidoo kale kaalin weyn ka ciyaari doono sidii la isugu xiri lahaa jaaliyadaha Soomaalida ee ku kala firirsan guud ahaan dalka Mareykanka, iyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

XS
SM
MD
LG