Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Alley Baday: Ceelkii Dameero-Boob oo Jabay


Alley Baday: Ceelkii Dameero-Boob oo Jabay
Alley Baday: Ceelkii Dameero-Boob oo Jabay

Kumannaan xoolo ah oo harraadan ayaa la sheegay inay dul hoganayaan ceelkaasi jabay ee degmada Allay Baday.

Wararka ka imaanaya degmada Allay Baday ee Somaliland ayaa sheegaya in ceel ay biyo ka cabi jireen dadka iyo xoolahaba uu maalintii shalay ahayd jabay.

Ceelka jabay oo lagu magacaabo Dameero Boob waxaa lagu soo warramayaa inay dul hoganayaan kumannaan xoolo ah oo u soo dhaan tegay.

Wariyaha VOA-da Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa sheegay in dadka iyo xooluhuba ay ka muuqato dhibaato xoog leh, kuwaasoo meelo aad u fog ka soo arooriyay xooloha ayna ku adag tahay inay gaaraan ceelasha kale ee deegaankaasi.

Wariyaha ayaa soo sheegay in maamulka Somaliland uu tabaabusheysanayo dayactirka ceelkaasi.

XS
SM
MD
LG