Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sacuudiga oo sheegay in nidaamka caalamiga ahi uu ku guuldarraystay xalka xaaladda Gaza


Sucuudiga iyo Pakistan ayaa si wadajira ugu baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga gaadho dagaalka ka socda marinka Qaza, iyada oo Sucuudiguna uu soo jeediyey in xaaladda gobolka la dejiyo, isaga oo aan soo hadal qaadin weerarkii Iran ay ku qaaday Israa'iil.

Wasiirka arrimaha debedda ee Sucuudiga Faisal bin Farxan al-Sucuud oo hoggaaminayey wefti heersare ah, ayaa Isniintii ku tegey magaalada Islamabad, safar laba maalmood qaadanaya, kaas oo ay ku indha-indhaynayeen, fursadaha maalgashi ee ka jiri kara Pakistan.

Wasiirada arrimaha debedda ee Pakistan iyo Sucuudiga oo shir jaraa'id oo wada jira qabtay, ka dib markii uu soo idlaaday safarkoodu, ayaa Al-Sucuud wuxuu ku baaqay in la soo afjaro dagaalka ka socda Qaza, isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay heerka ay marayso dhimashada shacabka Falastiin.

"Xaaladdani maaha wax la aqbali karo. Tani waxay inna tusaysaa, sida uu u guuldaraystay nidaamkii caalamiga ahaa. waa in haatan la gaadhaan heshiis xabbad joojin ah oo degdeg ah" ayuu yidhi wasiirka arrimaha debedda ee Sucuudigu.

Wasiirka ayaa sheegay, in xaqiiqadu ay tahay, inaanu nidaamka caalamiga ahi ku dhisnayn masuuliyaddii ay ahayd inuu qaato, isaga oo intaas ku daray, "waa inaan intaas wax ka badan samaynaa, si aan u joojino dilka".

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Qaza, ciidamada Israa'iil ayaa dagaalka Qaza ku dilay in ka badan 33,000 oo Falastiiniyiin ah. Dagaalka ayaa bilawday, ka dib weerarkii Xamaas ay ku qaaday Israa'iil ee ay ku dishay ku dhowaad 1,200 oo Israa'iiliyiin ah, iyaga oo qafaashay illaa 250 kale.

Madal

XS
SM
MD
LG