Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaalka Israa'iil iyo Iran oo saamayn ku yeeshay duulimaadyadii diyaaradaha


An anti-missile system operates after Iran launched drones and missiles towards Israel, as seen from Ashkelon
An anti-missile system operates after Iran launched drones and missiles towards Israel, as seen from Ashkelon

Dalal badan oo ku yaalla bariga dhexe ayaa si ku meel gaadh ah u xidhay hawadooda, ka dib weerarkii ay Iran ku qaaday Israa'iil, waxaana la hakiyey duulimaadyo badan, halka kuwii hawada kusoo jirayna loo leexiyey meelo kale.

Israa'iil ayaa xilli dambe oo Sabtida ah sheegtay inay xidhay hawadeeda, iyada oo la hakiyey duulimaadyadii iman jiray garoonka diyaaradaha ee Tel Aviv. Jordan iyo Ciraaq ayaa iyaguna xidhay hawadooda, sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi.

Diyaaradda United Airlines ee laga leeyahay Maraykanka ayaa hakisay duulimaadkii ay ku tegi jirtay Tel Aviv Sabtidii, ka dib markii ay Israa'iil xidhatay hawadeeda. Sidoo kale diyaaraddan ayaa hakisay duulimaad kale oo ay ku tegi jirtay caasimadda dalka Urdun ee Cammaan.

Diyaaradda laga leeyahay dalka Israa'iil ee El Al ayaa hakisay in ka badan 20 duulimaad oo bixi jiray Axadda, waxayna u sheegtay rakaabkii diyaaraddaasi, inaanay imanin garoonka diyaaradaha maadaama aanu duulimaad jirinin, illaa amar dambe.

Diyaaradda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee Emirates ayaa iyaduna hakisay duulimaad ay ku tegi jirtay caasimadda dalka Urdun ee Cammaan. Sidoo kale diyaaradaha Air France, British Airways iyo Luftansa ayaa iyana ka mida diyaaradaha gobolka u safri jiray ee hakiyey duulimaadyadooda.

Madal

XS
SM
MD
LG