Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran oo qaaday weerarkii ugu horeeyey ee ka dhan ah Israa'iil


Iranians celebrate on a street, after the IRGC attack on Israel, in Tehran
Iranians celebrate on a street, after the IRGC attack on Israel, in Tehran

WASHINGTON — Iran ayaa qaaday weerarkii ugu horreeyey oo ay ku bartilmaameedsanayso Israa'iil, iyada oo weerarkan ka soo qaaday gudaha dalkeeda, tallaabadan oo noqonaysa, mid uga sii daraysa xaaladda gobolka bariga dhexe.

Telefiishanka dawladda Iran ee lagu magcaabo IRINN ayaa sheegay in ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ahi inay saqdii dhexe ee xalay bilaabeen weeraro dhinaca cirka ah oo loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas lala bartilmaameedsanayo gudaha Israa'iil.

Iran ayaa sheegtay in weerarkani uu jawaab u yahay, weerarkii ay Israa'iil ku dishay saraakiil sarsare oo ka tirsan milateriga Iran, xilli ay ku sugnaayeen qunsuliyadda Iran ee Dimishiq.

Milateriga Israa'iil oo aan xaqiijinin ama beenin inay ka dambeeyeen weerarkaas ayaa sheegay in ciidamadoodu ay diyaar u yihiin weerarada Iran ee loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Maraykanka ayaa sheegay inuu barbar taagan yahay Israa'iil, isla markaana ka taageeri doono inay iska difaacaan halista uga imanaysa Iran.

Madal

XS
SM
MD
LG