Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qatar oo marki labaad oo xiriir ah hanatay Koobka Asia


Ciyaartooyda Xulka Qaranka Qatar oo u dabaaldagaya hanashada Koobka Qaramada Asia, kaddib marki ay 3-1 uga badiyeen Urdun, ciyaarti ka dhacday garoonka kubadda cagta Lusail Stadium ee xaafadda Lusail, ee waqooyiga Doha 10-ka February ee sannadka 2024-ka
Ciyaartooyda Xulka Qaranka Qatar oo u dabaaldagaya hanashada Koobka Qaramada Asia, kaddib marki ay 3-1 uga badiyeen Urdun, ciyaarti ka dhacday garoonka kubadda cagta Lusail Stadium ee xaafadda Lusail, ee waqooyiga Doha 10-ka February ee sannadka 2024-ka

3 gool oo dhammaantood rigoore ahaa oo uu dhaliyay Akram Cafiif, oo ah wiilka laacibki hore ee Xulka Qaranka Soomaaliya, Xasan Cafiif, ayay kooxda Qaranka Qatar ku garaacday dhiggooda Urdun caawa fiidkii.

Ciyaarta oo ku dhammaatay 3-1, ayay Qatariyiinta ku billaabeen dardar xoog leh iyaga oo taageero aan caadi aheyn ka helayay inta badan 86,492 oo ruux oo ku sugnaa garoonka kubadda cagta Lusail ee magaalada Doha. Dadka ciyaarta daawanayay waxaa ka mid ahaa, Amiirka Qatar, Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani iyo guddoomiyaha Fifa Gianni Infantino.

Goolka kaliyah ee ay Urdun dhaliyeen, waxaa waxyar kaddib qeybta labaad ee ciyaarta dhaliyay Yazan Al-Naimat, taasoo rajo weyn gelisay taageerayaasha Jordan maadaama ay ciyaarta noqotay 1-1.

Laakin Afif, ayaa laba rigoore oo Qatar loo dhigay qeybti labaad ee ciyaarta wadnaha ku gooyay Urduniyiinta. Afif, wuxuu noqday laacibki ugu goolasha badnaa tartankan, isaga oo dhaliyay 8 gool, wuxuu kale uu ku guuleystay abaalmarinta laacibki ugu wanaagsanaa ciyaarta finalka.

Xulka Jordan oo uu sannadkaan leylinayay tabaraha khabiirka ah ee dalka Morocco Xuseyn Cammuuta sidoo kalana ay u dheelayeen laacibiin si weyn uga muuqday tartanka sida Musa Al Tamari, Yazan Al-Naimat, iyo goolhayaha waaya aragga ah Yazid Abu Layla, ayaa taariikh sameeyay. Waxay aheyd marki ugu horreysay oo ay abid soo gaaraan finalka Koobka Asia.

Xulka Qatar ayaa iyaguna sameeyay taariikh, kaddib marki ay laba jeer oo isku xigta koobka ku guuleysteen marki ugu horreysay taariikhdooda. Sannadki 2019-ki iyo sannadkaan 2024-ka.

Madal

XS
SM
MD
LG