Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ismiidaamin ah oo khasaare gaystay oo lala beegsaday xero ciidan


Qaraxii maqaayadda Sky Blue
Qaraxii maqaayadda Sky Blue

Ugu yaraan lix askari ayaa ku dhintay, toddoba kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo saaka lala beegsaday xero ay ciidanku ku lahaayeen duleedka magaalada Muqdishu.

Mas’uuliyiinta amniga iyo kuwa gobolka ayaa VOA u sheegay in baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo uu waday naftii hallige uu isku qarxiyey xerada oo ku taalla Ceelasha Biyaha oo ilaa 20 km dhinaca galbeed ka xigta Muqdishu.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Maxamed Ibraahim Barre aaa VOA u xaqiiiyey tirada askarta dhintay iyo kuwa dhaawacmay.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uliyada weerarkan oo dhacay saacadihii hore ee saaka.

Maalintii Isniinta ahayd ayaa qof isa soo miidaamiyey uu isku qarxiyey maqaayad ku taalla Muqdishu, waxaana ku dhintay suxufi Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabadifataax Macalin Nuur (Qeys).

Dhinaca kalena, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ku laabtay magaalada Dhuusamareeb oo u ahayd saldhig ku meelgaar ah ilaa horraantii bishii Ogoosto. Madaxweynaha ayaa safar ku tagay Eritrea, waxaana uu sidoo kale soo maray Muqdishu iyo Xudur.

Madal

XS
SM
MD
LG