Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xog cusub: Magacyada qaar ka mid ah Shabaabka lagu dilay weerarkii Xabsiga Dhexe


Xabsiga Dhexe
Xabsiga Dhexe

Mas’uuliyinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in 15 maxaabis ah ay ku dhinteen iska horimaadkii shalay ka dhacay xabsiga dhexe, islamarkaana 7 kale oo maxaabiis ahna la dhaawacay.

Taliska ciidanka asluubta yaa sidoo kale sheegay in afar askari ay dhinteen, mid kalena uu dhaawacay.

Ilo dhinaca amniga ah ayaa sidoo kale u shegay VOA in Mubaarak Ibraahim Iidle oo ka mid ahaa maxaabiista xabsiga, lana xukumay 2014 isaga oo lagu xukumay toban sano oo xarig ah, uu ahaa maxbuuska ka baxsaday xabsiga.

Mubaarak ayaa la sheegay inuu Al-Shabaab ku biiray 2012-kii, waxaana uu muddo kasoo tirsanaa Al-Shabaabta ka dagaalanta buuraha Golis.

Ciidamada amniga ayaa sheegay inuu dilay laba qof bannaanka xabsiga joogay markii uu sii baxsanayey.

Waxaa kaloo faahfaahin kasoo baxaysaa maxaabiista ka midka ahaa kuwa lagu dilay weerarkii shalay. Waxa ku jiray Ibraahim Maxamuud Maxamed oo ku xukunnaa 15 sano iyo Maxamed Daa’uud Dirir oo ku magac dheeraa Dr Raage kuna xukunnaa 15 sano, kaasi oo horey uga tursanaa Al-Shabaab balse markii dambe ku biiray Daacish.

Ciidnaku waxay sheegeen in xaaladda xabsiga ay sideedii hore kusoo laabatay.

Iska horimaadka aya dhacay kadib markii maxaabiistu ay hub gacanta ku dhigeen kadibna ay weerareen ciidamada xabsiga.

Taliyaha ciidanka asluubta Jeneraal Mahad Cabdirahman waxa uu sheegay in maxaabiistu ay laba qori ka qaateen laba askari oo ay dileen.

Saraakiil dhinaca ambiga waxay sidoo kale VOA u sheegeen in maxaabiistu heleen bastoolado iyo bambooyin.

XS
SM
MD
LG