Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay madaxweyne Kenyatta


Uhuru iyo Farmaajo
Uhuru iyo Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ku sheegay twitter-ka inuu Madaxweynuhu uga tacsiyeeyey dadka ku dhintay diyaaraddii shalay ku dhacday meel u dhow magaalada Bardaale.

Diyaaradda waxaa ku dhintay lix qof oo iskugu jira Soomaali iyo Kenyan

Madaxweynaha Soomasliya ayaa ballanqaaday baaritaan buuxa, oo lagu sameeyo dhacdadaas.

Dhinaca kale, warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya uu Kenya ku marti-qaaday inay ka qayb qaataan baaritaanka lagu sameynayo dhacdadaas.

Goor sii horreysay, wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa Soomaaliya weydiisatay jawaabo la xiriira soo dhicitaanka diyaaraddaas. Warbixintan waxaa Nairobi kasoo diray Yaasiin Ciise Wardheere.

Kenya oo jawaab ka dalbatay Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:29 0:00



XS
SM
MD
LG