Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho oo laga helay 54 kiis oo cusub oo Coronavirus ah


Dawladda Soomaaliya ayaa shaacisay tiradii ugu dambaysay ee kiisaska cudurka COVID-19 ee laga diiwaan geliyey gudaha Soomaaliya

Baraha bulshada ee dawladda Soomaalya ayaa lagu baahiyey in 54 qof laga helay cudurka 24-kii saac ee lasoo dhaafay, kuwaasi oo dhammaantood ku sugan gobolka Banaadir.

Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay inuu bogsooday hal qof, isla markaana aan la diiwaangelin 24-kii saac ee lasoo dhaafay wax dhimashoah.

Tiradan ayaa tirada guud ee kiisaska Coronavirus ee Soomaaluya ka dhigaysa 582, halka tirada dhimashada ay weli taagan tahay 28. Dadka bogsooday ayaa ah 20.

XS
SM
MD
LG