Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qofkii ugu horreeyey oo Coronavirus ugu dhintay Soomaaliya


Dawladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qofkii ugu horreeyey uu Soomaaliya u dhintay cudurka Coronavirus.

Warkan waxaa xaqiijisay wasiirka caafimaafka Foosiya Abiikar Nuur.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu yahay nin 58 sano jir ah oo aan safrin.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ayay sidoo kale ku sheegtay “inay cadaynayso in uu bilowday faafitaanka cudurka ee bulshada dhexdeeda (community transmission)”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “waxay wasaaraddu xaqiijisay maantay 4 xaaladood oo cusub oo la xariirta caabuqa COVID-19 taas oo tirada guud ee xaaladahada caabuqa COVID-19 ka dhigaysa 12.”

Sida wasaaradda ay sheegtay afarta xaaladood oo cusub ayaa ah dad dhamaantood wadanka dhexdiisa joogay oo aan la laheyn xiriir dibadda

Waxaa kamid ah dadka laga helay cudurka 2 Sarkaal oo kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka, sida ay wasaaradda sheegtay.

Dawladdu faahfaahin kama bixin in ninkaasi uu fayraska qaadsiiyey dad kale.

Dawladda Soomaaliya ayaa 16-kii bishii maarso xaqiijisay in qof Soomaali ah markii ugu horraysay laga helay cudurka Coronavirus.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa xilligaas sheegtay in kiiskan laga helay qof Soomaali ah oo ka yimid dibedda, qofkaasi oo lagu hayo meel gaar ah.

Qofkaas ayaa markii dambe ka bogsooday xanuunka.

Dhinaca kale dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la joojiyey waxbarashadii sannad dugsiyeedka 2019/2020 inta ka dhiman cudurka Coronavirus aawadeed.

Wasaaradda waxbarashada ayaa sheegtay in ardayda lagu qiimayn doono heerkii ay waxbarashadu u maraysay markii iskuullada la xiray 19-kii bishii Maarso.

XS
SM
MD
LG