Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Amisom oo qarax lagula eegtay Sh/Dhexe


Wararka ka imaanaya Gobalka Shabellaha dhexe ayaa sheegaya in qarax xoog leh lala beegsaday Ciidanka Amisom gaar ahaan qeybta Burundi meel u dhow degaanka Gololey xili ay ku jireen socod ilaalo ah.

Lama oga qasaaraha dhabta ah laakin dadka degaanka waxaa ay sheegeen in ay arkeen gaari kuwa ciidamada oo qaraxa uu burburiyay.

Wali wax war ah kama soo bixin taliska Amisom, laakin Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxa.

Wadada u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar ayaa noqotay mid aad u halis badan Malayshiyada Al-Shabaab ayaa ka geystay dhowr jeer weeraro lagu waxyeeleeyay ciidamada Amisom iyo mas’uuliyiin HirShabelle ka tirsan

XS
SM
MD
LG