Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab isku urursanayey aagga Jannaale oo la duqeeyey


Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay shan duqeymood oo ka dhan ah Al-Shabaab ka gaystay meel u dhow Jannaale, intii u dhaxaysay Maarso 16-17.

Maraykanku waxa uu sheegay in duqaynta iskaashi lagala sameeyey hawlgalka AMISOM iyo ciidamada dawladda Soomaaliya oo degaankaas hawlgal ka wada.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliiska Africom ayaa lagu sheegay in duqaynta lala beegsaday Al-Shabaab xilli ay isku soo urursanayeen, dhaqdhaqaaqyana ka wadeen goobta hawlgalka ay ka wadaan ciidamada ay horseedka ka yihiin kuwa Soomaalida.

Africom waxay sheegtay inaan cid rayid ah waxba ku noqon duqaymahan.

Waxay kaloo Africom sheegtay in ciidamada Maraykanka ay degaankaas ku sugnaayeen markii duqaynta ay dhacday iyaga oo talo iyo taageero u fidinayey ciidamada Soomaalida.

Ciidamada dawladda ayaa toddobaadkan qabsaday magaalada Jannaale kadib dagaal ay kula galeen Al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG