Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal u dhaxeeya dowladda iyo Al-Shabaab oo ka socda Jannaale


Ciidamada
Ciidamada

Wararka ka imanaya magaalada Jannaale ayaa sheegaya in halkaasi dagaal ka socdo kadib markii ay ciidamada dalwadda Soomaaliya weerar ku qaadeen goor dhowayd.

Ciidamada dawladda oo garabsanaya kuwa caalamiga ah ee taageera dawladda Soomaaliya ayaa dad goobjoogayaal ah sheegeen inay magaalada dhinac uga jiraan.

Wararku waxay intaas ku darayaan in rasaas laga maqlay bartamaha magaalada taasi oo u dhaxaysa ciidamada dawladda iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Saraakiisha milatariga dawladda oo magacooda ka gaabsaday ayaa VOA u sheegay in qorshuhu yahay in ciidamada dawladdu ay qabsadaan lana wareegaan gacan ku haynta Jannaale.

Dadka magaalada Jannaale waxay sidoo kale soo sheegeen qarax ay ka maqleeen duleedka magaalada. Sarkaal ka tirsan maamulka gobolka ayaa VOA u sheegay inay ciidanku qarxiyeen baabuur ay ay ku rakibnaayeen waxyaabaha qarxa oo ciidanka halis ku ahaa.

Jannaale ayaa horey ugu jirtay gacanta AMISOM iyo dawladda hase yeeshee waxay ciidamadu dib uga soo gurteen bishii Maarso sannadkii 2015-kii kadib markii Al-Shabaab ay kusoo qaadeen weerar ay ku dhinteen ilaa 19 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda.

XS
SM
MD
LG