Isku xirrada

War Deg-Deg ah

15 Caruur ah oo u Geeriyootay Talaalka Jadeecada


MMR waa talaalka jadeecada
MMR waa talaalka jadeecada

15 caruur ah ayaa u geeriyooday talaalka cudurka jadeecada oo si qaldan loo siiyey, kaasi oo dadka bixinayey ay ku jireen caruur kale oo qaarkood da’doodu ka yartahay 12 jir, sida ay sheegtay dowladda Koonfur Sudan.

Wasaaradda caafimaadka dalkaas ayaa dhimashada caruurtan u sababeysay qalad bani’aadam. Hal cirbad ayaa loo wada adeegsaday dhammaan caruurta oo idil, islamarkaana talaalka ayaa la sheegay inaan si wanaagsan loo keydin.

Dowladda ayaa sheegtay in dhammaan caruurta geeriyootay ay ka yaraayeen 5 jir.

Waxa ay sidoo kale sheegtay inay sameyneyso guddi go’aan ka gaara cidda ka mas’uulka ah arrintan iyo haddii qoysaska dhibanayaasha la siinayo lacag magdhow ah.

Cudurka jadeecada ayaa ah mid ka mid ah caqabadaha ugu weyn ee uu wajahayo dalka saboolka ah ee Koonfur Sudan, kaasi oo uu burburiyey dagaal sokeeye oo socda saddex sano, dhowaanna looga dhawaaqay macluul iyo dillaaca cudurka shuban biyoodka.

Olole talaalka cudurka jadeecada ah ayaa ka socda dalkaas, waxaana la doonaya in cudurka looga talaalo laba milyan oo caruur ah oo ku nool guud ahaan dalkaas.

XS
SM
MD
LG