Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jared Kushner, oo FBI-du ay baaris ku heyso.


White House senior adviser Jared Kushner listens during a meeting with Palestinian leader Mahmoud Abbas at the White House, May 3, 2017, in Washington.
White House senior adviser Jared Kushner listens during a meeting with Palestinian leader Mahmoud Abbas at the White House, May 3, 2017, in Washington.

Wargeyska The Washington Post ayaa daabacay warbixin la xiriirta in Jared Kushner oo uu Madaxweynaha Mareykanku soddog u yahay ahna mid kamid ah lataliyayaasha Trump uu safiirka Ruushka Washington u jooga kala xaajooday suurto-galnimada in xiriirro qarsoodi ah ay wada yeeshaan kooxda Trump ololaha u qaabilsaneyd iyo Krimlimka Ruushka looga arrimiyo.

Wargeyska ayaa saraakiil sar-sare oo Mareykanan ah kasoo xigtay in tallaabadaasi looga gol-lahaa sidii wada-xaajoodkaasi ka horreeyay caleemo-saarka looga ilaalin lahaa in baaris daba-gal ah lagu sameeyo.

Ilaha uu soo xiganayo Washington Post waxa ay sheegayaan in Danjire Sergei Kislyak uu madaxdiisa Moscow ku sugan gaarsiiyay in Koshner uu hindisahaasi kusoo bandhigay kulan horraantii bishii December ee sanadkii hore ka dhacay dhismaha Trump ee ku yaalla magaalada Newyork, waxaanay saraakiishu intaasi ku dareen in xogtaasi lagu helay taleefoonno ruush ah oo ay madax Mareykan ahi dhageysteen.

Khamiistiina warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in xafiiska FBI-du uu baaris ku hayo Koshner, taasoo la xiriirta kaalin ay dhici karto inuu ku lahaa xiriirradii dhex maray saraakiishii Trump ololaha u qaabilsaneyd iyo madax Ruush ah.

Dhaq-dhaqaaqan ayaa imanaya kadib laba todobaad markii uu Donald Trump si kadis ah shaqada kaga eryay agaasimihii FBI-da James Comey oo isagu baaristan kormeere ka ahaa.

XS
SM
MD
LG