Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baydhaba: Askari Xukun Dil ah lagu Fuliyey


Bartamaha Baydhabo
Bartamaha Baydhabo

Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya ayaa saaka waxay xukun toogasho ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada booliiska gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Askariga la toogtay oo lagu magacaabi jiray Cali Buurow Maxamed, ayaa wuxuu horey dil degmada Buurhakaba ugu dilay oday lagu magacaabi jiray Qaasim Cabdiyow Xaaji Keerow,isagoo sidoo kalena dhaawacay laba wiil oo uu dhalay

Askari ayaa waxaa maanta lagu toogtay fagaare ku yaalla duleedka magaalada Baydhaba.

Shalay ayay ahayd markii sidoo kale maxkamadda ciidamada qalabka sida ay xukun dil ah ku fulisay 4 ruux oo ku eedeysnaa inay ka danbeeyeen qaraxyadii mataanaha ahaa ee Baydhaba ka dhacay sanad ka hor.

XS
SM
MD
LG