Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Shiinaha oo ka Digay Dagaal Ganacsi


Xi Jinping
Xi Jinping

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa dowladaha dunida uga digay halista ka iman karta dagaal ganacsi, xilli uu ka hadlay Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee magaalada Davos ee dalka Switzerland.

“Raadinta gooni noqoshada waa sida qof isku soo xiray qol mugdi ah. Waa macquul inuu dabeysha iyo roobka banaanka uga tago, hase yeeshee sidoo kale iftiinka iyo hawada” ayuu yiri Xi oo u muuqday inuu u jawaabayey madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump.

Trump ayaa horey u ballan qaaday inuu canshuur 45 boqlkiiba ah saari doono alaabaha laga keeno Shiinaha iyo 35 boqolkiiba baabuurta Jarmalka ee lagu sameeyo meelo ka baxsan Mareykanka.

“Waxa Xi uu sameeyey ayaa ah inuu kala caddeeyo mowqifka Shiinaha oo ah in dagaal ganacsi uu waxyeeleyn doono dhammaan dalalka” waxaa sidaas yiri Professor Kerry Brown oo ah agaasimaha culuumta Shiinaha ee machadka Lau China ee jaamacadda King’s College ee magaalada London.

Xi ayaa dhinaca kale ka hadlaya awoodda Shiinaha ee ah inay caddeyso iy Beijing ay awooddo inay ganacsi ballaaran siiso dalalka aan kasoo horjeedin danaheeda.

Shiinaha ayaa 8 trillion oo dollar ku bixin doonta allaabaha ay soo dhoofsaneyso ayada oo 750 bilyan dollar-na ku maal-gelin doonta ganacsiyada dibedda, shanta sano ee soo socda.

XS
SM
MD
LG