Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daalibaan oo Weerar ku Qaaday Magaalada Kunduz


Saraakiil ku sugan waqooyiga dalka Afghanistan ayaa sheegay in kooxda Daalibaan ay weerar qorsheysan ku qaaday magaalada Kunduz, islamarkaana ay gudaha usoo galeen.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in weerarkan oo billowday subaxnimada Isniinta maanta ah ay Daalibaan magaalada kaga soo qaadeen dhowr jiho, islmakraana ciidamada amniga ay iska caabinayaan.

“Daalibaanka waxa ay ku jiraan qaar ka mid ah guryaha shacabka, waana inaan howlgalka u fulinaa si taxaddar leh” waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay booliiska Mahfouzullah Akbari.

Afhayeen u hadlay Daalibaan ayaa isna sheegay in mintidiinta ay qabsadeen dhowr bar kontorool oo magaalada ka mid ah, islamarkaana ay dileen dhowr askari. Ma jirto cid xaqiijisay sheegashadiisa.

Weerarka Daalibaan ay magaalada kusoo qaadeen ayaa yimid maalin ka hor shirweyne calaami ah oo deeq bixiyayaasha dunida ay ku qabanayaan magaalada Brussels, kaasi oo uu ka qeyb galayo madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani.

Bishii September ee 2015 ayaa Daalibaan waxa ay qabsadeen magaalada Kunduz oo ay haysteen dhowr maalmood, ka hor inta aysan ka bixin.

XS
SM
MD
LG