Isku xirrada

War Deg-Deg ah

New York: 29 Qof oo Qarax ku Dhaawacmay


Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay deegaanka Chelsea ee ku yaalla magaalada New York sida ay sheegeen masuuliyiinta magaaladani.

Maayarka New York Bill DeBlasio ayaa sheegay in qaraxani uu ahaa mid ula kac ahaa, hase ahaatee wuxuu intaas sii raaciyey inaan qaraxani la xidhiidhin weeraro argagixiso.

Maayarka New York ayaa sheegay in saraakiisha ammaanka iyo ciidamada booliska ee magaaladani aanay haynin wax halis ah oo la xidhiidha weeraro argagixiso.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo magaaladani ay isu diyaarinayso inay martigeliso kulanka guud ee Qaramada Midoobay halkaas oo ay isugu imanayaan madaxda caalamka.

XS
SM
MD
LG