Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gudoomiyaha Jaamacada Muqdisho Oo Xilka Wareejiyey


The former and the new Rectors of Mogadishu University shaking their hands during the ceremony.
The former and the new Rectors of Mogadishu University shaking their hands during the ceremony.

Gudoomiyaha Jaamaca Muqdisho, Prof. Dr. Cali Sheekh Axmed Abubakar ayaa shalay iska wareejiyey xilkaasi, kadib muddo 19 sana ah oo uu maamulayey jaamacada.

Jaamacada Muqdisho oo la aas aasay sanadki 1997-ki ayaa waxaa ka qalinjabiyey arday ka badan 20 kun, waxaana daraasado badan oo caalami ah ay ku qiimeeyeen in jaamacaddu ay ka mid tahay kuwa ugu wanaagsan Qaaradda Africa.

Xaflad shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayuu Prof. Cali Sheekh Axmed uu xilka ku wareejiyey gudoomiyaha cusub ee Jaamacada Muqdisho, Dr. Ibrahim Mohamed Mursal (Ibrahim Dheere).

Hadaba wariyaha VOA-da Nur Hassan Bukhaari oo jooga magaalada Washington ayaa qadka telefoonka Muqdisho ku wareystay Prof. Dr. Cali Sheekh Axmed Abubakar oo uu marka hore weydiiyey sababaha keenay inuu ka dago xilka guoomiyaha jaamacada Muqdisho.

Wareysiga Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar
please wait

No media source currently available

0:00 0:22:57 0:00

XS
SM
MD
LG