Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo Wali ku sugan Gudaha Marka


Maleeshiyada Al-shabaab
Maleeshiyada Al-shabaab

Magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa lagu soo warramayaa in bartamaha iyo xarumaha dowladda ay ku sugan yihiin maleeshiyada al-Shabaab, kuwaasoo shalay galab magaalada gudaha u galay kadib markii ciidamada dowladdu ay halkaasi ka baxeen.

Goobjoogayaal ku sugan gudaha magaalada ayaa VOA u xaqiijiyay in maleeshiyadu ay gudaha magaalada joogaan, waxaana ay sheegeen inay jirto cabsi laga qabo in ciidamada AMISOM ay magaalada soo galaan kadibna halkaasi uu dagaal ka dhaco.

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa beeniyay in maleeshiyo ka tirsan ururka al-Shabaab ay magaalada galeen. Guddoomiye kuxigeenka gobolka Siyaad Cali ayaa VOA u sheegay in gudaha magaalada ay joogaan ciidamada AMISOM.

AMISOM ayaa barteeda twitter-ka ku sheegtay in ciidankoodu ay joogaan fadhiisamahoodii magaalada Marka.

XS
SM
MD
LG