Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Banaanbax ka Dhan ah Weerarkii Masjidka Nebiga NNKH


Medina
Medina

Banaanbax weyn oo ay soo qabanqaabiyeen qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed, ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Banaanbaxan ayaa waxaa looga soo horjeeday qaraxii dhowaan ka dhacay magaalada Madiina ee dalka Boqortooyada Sacuudiga, gaar ahaan meel ku dhow Masjidka barakeysan ee “MASJIDU NABAWI AL-SHARIIF” oo uu ku aasan yahay nabigeena Muxamed NNKH.

Banaanbaxaan ayaa waxaa ka qeyb galay boqolaal ka mid ah dadka ku nool xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.

Wariyeheenna Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan inooga soo diray Muqdisho.

Banaanbax ka dhacay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:18 0:00

XS
SM
MD
LG