Isku xirrada

War Deg-Deg ah

H. Clinton oo ku Adkaatay Doorashadii S. Carolina


Hillary Clinton ayaa si sahlan ugu guuleystay tartanka is reeb reebta xilka madaxweyne-nimada ee xisibiga dimoqraadiga ee gobolka South Carolina, taasoo sare u qaadeysa in ay noqoto musharaxa safka hore ku jira, iyadoo ka adkaatay musharixa la tarmaya ee xisbigaasi ee Bernie Sanders ka hor inta aan la gaarin maalinta Super Tuesday-ga oo ay gobolo badan codeyntu ka dhaceyso.

Dhowr ka mid ah shabakadaha warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in xog-hayihii hore ee arrimaha dibadda maraykanka Clinton ay tahay musharraxa ku guuleystay codbixintii dhacday, wax yar ka hor intii aanay dhamaanin codeynta ka dhaceysay gobolka ku yaala dhinaca koofureed maalintii Sabtida

Natiijadu ma aanay ahayn mid marnaba laga shaki qabay. Su’aasha kaliya ee taagnayd ayaa ahayd haddii Sanders, oo ah mudanaha laga soo doorto Vermont, uu soo yarayn karay tirada codadka ee ay kaga guuleysatay, isagoo ku dhowaad 30 boqolkiiba ka hooseeyay.

Guusha Clinton ayaa waxaa caawiyay qiyaas ahaan afar marka loo qaybiyo saddex meelood taageerayaasha xisbiga demoqraadiga ee codkooda ka dhiibtay gobolkii u horreeyay ee koofurta ku yaala oo iyada u codeeyay.

XS
SM
MD
LG