Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kizza Besigye oo Mar Kale Maanta la Xiray


Kizza Besigye
Kizza Besigye

Besigye ayaa qorsheynayey inuu maanta booqdo xarunta guddiga doorashada ee magaalada caasimadda ah ee Kampala.

Booliiska dalka Uganada ayaa mar kale maanta xiray hoggaamiyaha mucaaradka Kizza Besigye, maalmo kadib markii looga adkaaday doorashada madaxtinimo ee dalkaas, oo uu rumeysan yahay in la qiyaameeyey.

Besigye ayaa qorsheynayey inuu maanta booqdo xarunta guddiga doorashada ee magaalada caasimadda ah ee Kampala.

Waxaa toddobaadkii tagay la xiray laba goor, iyo sidoo kale markii ay soo dhoweyd doorashada madaxweyne Museveni siisay xilli kale oo uu dalka maamulo.

Booliiska ayaa Besigye geliyey xabsi gur Jimcihii, waxayna sheegeen in tallaabadaas looga hor-istaagay inuu hogaamiyo banaanbax ka dhan ahaa guusha madaxweyne Museveni, oo ay ka cabsadeen inay isku rogto mid rabashado.

Besigye ayaa kadib ku jawaabay inuu ku qal-qaaliyey taageerayaashiisa inay ka banaanbaxaan xarigiisa iyo natiijada doorashada.

Natiijada rasmiga ah ee doorashada ayaa muujisay in madaxweyne Museveni uu helay 61% codadka,halka Besigye uu ka helay 35%.

XS
SM
MD
LG