Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Milateriga Burkina Faso oo Afgebmiyay Dowladda


General Gilbert Diendere (midig, ) oo salamaya Reysal wasaare Isaac Zida, Ouagadougou,
General Gilbert Diendere (midig, ) oo salamaya Reysal wasaare Isaac Zida, Ouagadougou,

Meleteriga Burkina Faso ayaa sheegay Khamiistii inay kala direen dowladdii uu soo dhisay madaxweynihi KMG ahaa ee dalkaasi Mr. Michel Kafando , ayna awoodda ku qabsadeen afgembi aan dhiig ku daadan,wax ka yar bil xilli la rajeynayay inay ka dhacaan dalkaasi doorasha qorshaheedu ahaa in lagu soo celiyo dmuqraaddiyaddii waddanka ku yaalla galbeedka Afrika.

Hoggaamiyaasha afgebmiga sameeyay ee Burkino Faso, ayaa u magacaabay Jeneraal Gilbert Diendere oo ka mid ahaa ciidamadii madaxtooyada in uu madax u noqdo gole KMG ah, sida ay xubnahaasi ku sheegeen war ay soo saareen, oo laga sii daayay Telefeshanka afka dowlada ku hadlay Khamiisti.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay xiran yihiin xadka dalkaasi ee cir iyo dhulba, si loo dhaqan geliyo bandow ay habeenkii ku soo rogeen kooxdaasi waddanka oo idil.

Burkina Faso ayaa qalalaase gashay Arbacadii kadib markii ilaaliye ka tirsan Jamhuuriga muddo dheerna tiir u ahaa maamulkii Madaxweyne Blaise Compaore uu xirey Kafando, Reysal wasaare Yacouba Isaac Zida iyo laba wasiir.

Ilaaliyahan madaxtooyo ee awoodda badan ayaa siyaasad dhexda ka galay tan iyo markii Compaore xilka laga tuurey bishii October ee sanadkii tagay.

XS
SM
MD
LG