Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rabshado dhimasho leh oo ka dhacay Turkey


Dambi baare ka tirsan booliiska oo sawirro ka qaadaya baabuur, kadib weerar lagu qaaday saldhig Boolis, magaalada Istanbul. Aug.10, 2015.
Dambi baare ka tirsan booliiska oo sawirro ka qaadaya baabuur, kadib weerar lagu qaaday saldhig Boolis, magaalada Istanbul. Aug.10, 2015.

Dhowr qof ayaa ku geeriyootay tiro kalana way ku dhaawacmeen, kaddib markii maanta oo Isniin ah weeraro dhowr ah lala beegsaday goobo ay ku sugan yihiin booliska iyo askarta dalka Turkiga.

Dhinaca kale, labo qof ayaa lagu soo warramayaa in ay rasaas ku fureen qunsuliyadda uu Mareykanka ku lee yahay magaalada Istanbul, iyadoo booliskii ku sugnaa qunsuliyadda ay ka jawaab bixiyeen weerarkaasi.

Ma jirto cid waxyeello ay ka soo gaartay weerarka lagu qaaday qunsuliyadda Mareykanka ee magaalada Istanbul.

Booliska dalka Turkiga ayaa gacanta ku soo dhigay mid ka mid ah labo qof oo lagu tuhmay in ay ka dambeeyeen weerarkaasi oo midkood tahay haweeney, taasi oo iminka ku jirta gacanta booliska.

XS
SM
MD
LG