Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rabshadaha Baltimore oo Xoogeystey


Barasaabka Maryland Larry Hogan ayaa xaalad deg deg ah ku soo rogay Magaalada Baltimore ee gobolka Maryland iyadoo ilaalada qaranka ay gacan ka geeysan doonaan sidi loo demin lahaa raabashadaha halkaasi ka taagan. Boliiska ayaa sheegay in 15 askari lagu dhaawacay iska horimaad dhex maray Boqolaal dhallinyaro ah oo boliiska ku tuurayay dhagxaan iyo quraarado.

Muqaal laga daawaday televishinada ayaa muujinayay hal baabuur oo kuwa boliiska iyo qar kale oo la gubay. Waxay Rabashad-wadayaasha jabsadeen oo ay bililiqeeysteen dukaaman iyagoo gubay Pharmacy. Madaxweynaha Mareeykanka Barack Obama ayaa sheegay in dawlada dhexe ay gacan ka geeysan doonto sidii loo xakameeyn lahaa rabashadaha.

XS
SM
MD
LG