Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal ka Dhacay Gobolka Mudug


Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee badhtamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in iska hor imaad u dhexeeya maleeshiyo-beeleed uu ku dhex maray degaanka Saaxo, kaasoo ay ku dhinteen 4 qof, ayna ku dhaawacmeen illaa 3 qof oo kale oo dhamaantood ahaa dadkii dagaalamayey.

Dagaalka ayaa ka dhashay muran ku saabsan waraab, iyadoo lagu jiro xilliga jilaalka.

Dhaawaca oo ka koobnaa dhinacyadii diraray ayaa la kala dhigay Galdogob iyo Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu si iskii ah hadda u istaagay.

Sanadkii hore ayaa dagaal midkan la mid ah waxa uu ka dhacay isla tuuladaasi saaxo.

XS
SM
MD
LG