Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Caalamka oo soo Dhaweeyey Ansixinta Sharmarke


Dawladda Maryakanka, Hay’adda Qaramda Midoobay, iyo ta Midowga Yurub ayaa soo dhaweeeyey ansixintii baarlamaanka Somalia uu ansixiyey Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke. XGQM Ban Ki-Moon ayaa ku dhiiri galiyey RW-ha cusub iyo Afhayeenka Baarlamaanka inay ka wada shaqeeyaan sidii loo sii dardar galin lahaa hanaanka siyaasadeed iyo in xiriir soke lala lahaado maamul goboleedyada iyo dawlad goboleedyada sameysmaya.

XG ayaa ammaanay RW-hii xilka ka degay Cabdiwali Sheekh Axmed iyo xukuumaddiisa kaalintii ay ka qaateen, sida XG sheegay, dhismaha iyo nabadda iyo dawladnimada.

Dawladda Maraykanka ayaa soo dhaweynta anxisinta RW-ha cusub ka sokow iyaduna ku boorisay madaxweynaha, RW-ha, Baarlamaanka, iyo Golaha Wasiirada inay horumar ka sameeyaan sidii loo gaari lahaa yoolasha dalka muhiimka u ah, sida dib u eegista dastuurka, dhismaha dawladda, u diyaargarowga doorashooyinka, dhismaha ciidanka militariga iyo xoogagga booliiska, iyo dib u habaynta maamulka maaliyadda.

Midowga Yurub ayaa isaguna soo dhaweeyey ansixinta RW-ha cusub. Ururkan ayaa ku baaqay sameynta gole xukuumadeed oo loo dhan yahay, kaas oo heli kara kalsoonida shacabka, dadka soomaaliyeed, iyo hay’adaha Somalia wada shaqeynt la leh.

XS
SM
MD
LG