Baarlamanka Somalia ayaa la filayaa inay maanta codka kalsoonida u qaadaan xukuumadda Raiisul Wasaare Abdiweli Sheikh Ahmed.
Baarlamanka ayaa maalmo ka hor loo gudbiyey mooshin ka dhan ah xukuumadda raiisul wasaaraha.
Mooshinkan ayaa imanaya iyadoo uu khilaaf u dhexeeyo madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud iyo raiisul wasaaraha.
Kulanka baarlamanka ee mooshinkan ayaa saddex jeer oo hore uu u fashilmey, markii mudaneyaasha baarlamanka ay is khilaafeen.