Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kerry oo la Kulmay Maxamuud Cabaas


Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka John Kerry ayaa maanta la kulmey Madaxweynaha maamulka Falastiiniyiinta Mahmoud Abbas.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Jen Psaki ayaa sheegtay in wadahadalka ka dhacay caasimadda dalka Urdun ee Amman ay u badan tahay in diiradda lagu saaro sidii loo yareyn lahaa xiisadaha u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo Israel, gaar ahaan muranka dhowaan ka dhashey dhulka barakeysan ee Jerusalem.

Waxaa kaloo la filayaa inay ka wada xaajoodaan dadaalada dib u dhiska Marinka Gaza , halkaas oo weerarada cirka ee Israel ay burburiyeen xaafado badan intii uu socdey dagaalkii 50-ka maalmood socdey oo ay ku dhinteen in ka badan 2,100 ruux oo Falastiiniyiin ah.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya maalin kadib markii Israel ay ku dhawaaqdey qorshe guryo cusub looga dhisayo qeybta bari ee Jerusalem.

Falastiiniyiinta ayaa ka soo horjeeda qorshahaasi, iyagoo u arka inuu khatar ku yahay dalka loo sameynayo Falastiin oo ay doonayaan in magaalo madax ay u noqoto bariga Jerusalem.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Psaki ayaa sheegtay in Mareykanku uu si weyn uga walaacsan yahay qorshahaasi ay Israel ku dhiseyso guryaha cusub.

XS
SM
MD
LG