Isku xirrada

War Deg-Deg ah

El-Sissi: Ikhwanul Muslimiin Kama Jiri Doono Masar


Taliyihii hore ee milatariga Masar General Abdel-Fattah el-Sissi ayaa sheegay in Ururka Ikhwaanul Muslimiin aanu wax mustaqbal ah ku lahayn Masar haddii uu isagu ku guuleysto doorashada madaxweynenimada ee dhacaysa bishan aakhirkeeda.

Sissi ayaa si weyn loogu badinayaa inuu ku guuleysan doono tartanka madaxtinimada, waxaana uu wareysi uu bixiyey ku sheegay in Ururka Ikhwaanul Muslimiin iyo madaxweynihii la afgembiyey Mohamed Morsi ay u dhamaatey.

Waxaa uu sheegay in shacabka Masaarida ay diideen Morsi iyo ururkiisa Ikhwaanul Muslimiin, taasina ay ku muujiyeen banaanbaxyadii balaarnaa ee ay dhigeen 30-ka bishii June ee sannadkii tegey.

Madaxweyne Morsi ayaa talada laga tuurey bishii July sannadkii hore markii dadka ka soo horjeeda ay ku eedeeyeen inuu awoodda isku koobayo, kuna guuldareystey inuu wax ka qabto dhaqaalaha waddanka.
XS
SM
MD
LG