Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ukraine oo Heegan Dagaal oo Buuxa Gashay


Madaxweynaha Talada haya ee Ukraine ayaa sheegay in Ciidamada Milatariga dalkaasi la geliyay heegan dagaal oo buuxa, oo ay kaga hortagayaan duulaan ay suurtagal tahay inuu kaga yimaado ciidamada ruusha ee isku urursanaya xuduuda labada wadan wadaagaan.

Ku simaha Madaxweynaha, Olexsandar Turchynov, ayaa sheegay kulan uu golihiisa wasiirada kula yeeshay magaalada Kyiv maanta oo Arbaca ah in ciidamada Ruushka ay halis dagaal oo dhab ah ay ku hayaan dhulka Ukraine .

Hadalkan ayaa ku soo beegmay , iyadoo maleeshiyaadka taabacsan Ruushka ay qabsadeed dhismo kale oo ay dowladda Ukraine leedahay oo ku yaala bariga dalkaasi .

Kooxo muqaawama ah oo hubeysan ayaa xoog ku qabsaday dhismaha golaha deegaanka ee magaalada Horlivka gelinkii hore ee maanta, magaaladaas oo ay ku noolyihiin 260 kun oo qof.

Booliska ayaa sheegay In maleeshiyaadaasi gacan saarka la leh Ruushka ay sidoo kale qabsadeen xarunta booliska ee gobolkaasi ee ku taala magaalada Horlivka
XS
SM
MD
LG