Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ugu Yaraan 20 Askarta Pakistan ah oo la Dilay


Saraakisha Waqooyi Galbeed Pakistan ayaa sheegaya in qarar lala beegsaday kolonyo milatariga dalkaasi ay la socdeen lagu dilay 20 ka mid ah askarta Pakistan, ugu yaraan 30 kalena ay ku dhaawacmeen.

Masuuliyiintu waxey sheegeen in qarax lala eegtay askartay uu dhacay xilli ciidamadu ay ku guda jireen xilli kolonyadan oo todobaadkiiba mar gaar wareeg dhinaca amaanka ah sameyn jirtay ay ka sii baxayeen magaalada la yirahdo Bannu, iyagoo ku sii jeeday gobolka aan degeneyn ee qabaa’ilka Pakistan ee Waqooyiga Waziristan, gobolkaas oo loo arko inuu yahay meel ay gabaad ka dhigtaan mintidiinta al-Qacida.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in gaariga la qarxiyay ay ciidamadu ka kireysteen qof ka mid ah dadka deegaanka Bannu. Waxeyna intaasi ku dareen in mar mar ay ciidamadu kireystaan baabuurta dadka rayidka ah ay leeyihiin.

Kooxda Talibanta Pakistan ayaa sheegatay Masuuliyadda weerarka, afhayeen u hadlayna wuxuu ku hanjabay in weeraro kale oo noocan inay fulin doonaan.

Bishii December, Taliban waxey sheegatay masuuliyadda weerar ismiidaamin ah oo baabuur loo adeegaday oo ka dhacay magaalada Mir Ali, kaasoo ay ku dhinteen shank a mid ah askarta dowladda, weerar aar gudasho ah oo ay milatarigu qaadeenna waxaa lagu dilay tobaneeyo mintidiinta ka tirsan.
XS
SM
MD
LG