Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tirada Dhimashada Qarixii Kabul oo Korortay


Afghan security forces assist an injured man at the site of an explosion in Kabul, Afghanistan, Jan. 17, 2014.
Afghan security forces assist an injured man at the site of an explosion in Kabul, Afghanistan, Jan. 17, 2014.
Masuuliyiinta dalka Afghanistan ayaa sheegay in tirada dhimashada dadkii ku nafwaayay weerar uu ururka Taalibaan ku qaaday Makhaayad Lubnaaniyiin ay lahaayeen oo ku taala magaalada Kabul, ay korortay oo ay gaartay 21 qof maanta oo Sabti ah.

Makhaayadda weerar uu ka dhacay ayaa waxaa ka cunteyn jiray inta badan dadka ajnabiga ah iyo dadka reer Afghanistan ee hodanka ah.

Sarkaal ka tirsanaa hay’adda lacagta aduunka ee marka la soo gaabiyo la yirahdo IMF iyo sidoo kale afar ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa ku jiray dadkii ku dhintay weerarka.

Safaaradda Mareykanka ee Kabul ayaa sheegtay maanta oo Sabti ah in laba ka muwaadin oo u dhashay Mareykanka oo shirkado madax banaan la shaqeynayay inay ka mid ahaayeen dadkii lagu dilay weerarka.

Safiirka Mareykanka ee Afghanistan James Cunningham ayaa sheegay in Taliban ay beegsaneyso dadka ku howlan ka shaqeynta horumarinta Afghanistan.

Wuxuu sheegay in kuwa kacdoonka wadaa ay wax burin karaan oo kaliya oo aysan dhiseyn wadankaasi iyo mustaqbalkiisa.

Masuuliyiintu waxey shegeen in qof isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay dibadda makhaaxida Jimcihii shalay, waxaana qaraxa ka dib gudaha makhaayadda galay lab ka mid ah mintidiinta Taalibaan oo hubeysan iyagoo rasaas la dhacay dadkii gudaha ku jira, ka hor inta aan iyana la dilin.

Taliyaha ciimada Nato ee Afghanistan, Gen. Joseph Dunford, ayaa dhaleeceeyay weerarka wuxuuna ugu baaqay Taalibaan inay joojiyaan weerarada qorsheysan ee aan loo meel dayin ee ay ku leynayaan dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

General Zahir Zahir, Taliyaha booliska Afghanistan , oo la hadlay VOAda ayaa sharaxaya qaabka uu weerarka u dhacay.
XS
SM
MD
LG