Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rabshado ka Dhacay Burco


Magaalada Burco, Somaliland
Magaalada Burco, Somaliland
Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen Bannaanbax maanta ka dhacay magaalada Burco.

Dhimashada iyo dhaawaca ayaa ka dhalatay rasaas ay fureen ciidamada amniga ee magaalada Burco oo doonayay inay ammaanka sugaan.

Maamulka Gobolka ayaa sheegay in qalalaasahan uu ka dambeeyey taliyayaasha ciidamada booliiska oo la isku beddelay.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Axmed Cumar Cabdullaahi "Xamarji", ayaa sheegay in xaalaaddu ay degantahay iyada oo wafdi wasiirro ah oo xukumadda ka socda ay ku suganyihiin magaalada.

Waraysiga Guddoomiyaha oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:28 0:00
XS
SM
MD
LG