Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amnesty:Ma aha in Qasab lagu Celiyo Barakacaaysha


Hay’adda caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha ee Amnesty International ayaa xadgudub ku tilmaantay barakacayaasha sida qasabka ah looga saarayo caasimadda Somalia ee Muqdisho.

Hay’adda ayaa sheegtay inaanay haboonayn in kumanaan ka mid ah barakacayaasha saboolka ah ee ku sugan gudaha Muqdisho si qasab ah looga saaro xaruumaha ku meel gaarka ah ee ay gabbaadka ka dhigteen.

Amnesty International ayaa warbixin ay soo saartay maanta oo Jimce ah waxay ku sheegtay in bilihii u dambeeyay ay isa soo tarayeen dhacdooyinka la xidhiidha rarista qasabka ah ee Barakacayaasha iyada oo taasi ay keentay dib u dhiska ka bilaamay magaalada.

Gemma Davies oo ah cilmi baadhe ka tirsan Amnesty International ayaa sheegtay in dawladda Somalia ay mas’uuliyad ka saarantahay dadka ugu tamarta daran bulshada.
Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay in ku dhawaad 300 oo kun oo barakacayaal ah ay ku noolyihiin xeryo ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka soo barakacay abaaraha iyo dagaalada labaatankii sano ee u dambeeyay ka socday Somalia.

Amnesty ayaa sheegtay inay tahay wax aan la aqbalin karin in si qasab ah loo celiyo dad u soo barakacay caasimadda dalkooga hooyo.

Ugu dambayntii waxay hay’addu ku baaqday in la joojiyo hawlaha dib u celinta barakacayaasha inta laga helayo qorshe waafaqsan shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha.
XS
SM
MD
LG