Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Golaha Wasiirada oo Ansixiyey Taliyayaal Cusub


Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya ayaa ansixiyey magacaabista Taliyaha Booliiska iyo Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda.

Labadan jago ayaa loo kala magacaabay saraakiil hore uga soo tirsanaa madaxda booliska Soomaaliya waxaana magacaabistoodu kusoo aadaysaa xilli hawlgallo xooggan oo dhinaca amniga ah ay ka soconayaan magaalada Muqdishu.

Taliyaha Booliiska ayaa loo magacaabay Jen. Cabdixakiin Siciid Daahir "Saacid" oo hore u ahaa ku-xigeenka taliyaha ciidanka booliiska.

Agaasimaha Hey'adda Nabad-sugidda ayaa waxaa loo magacaabey Jen. Bashiir Maxamed Jaamac "Bashiir Goobe" oo hore u ahaa Wasiir Ku-xigeenka Adeegga Bulshada.

Warka oo dhan halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:01:19 0:00
XS
SM
MD
LG