Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorashada Baadariga Ugu Weyn Catholic-ga


Baadariyaasha Kaniisadaha Catoligga ee loo xilsaaray soo xulista hogaamiyaha guud ee Diinta Masiixiga ee dunida ayaa bilaabaya maatna oo talaada ah inay u codeeyaan, hogaamiyaha bedeli doona – Wadaadka ugu weynaa Masiixiga Pope Benedict.

Ilaa iyo 115 baadari ayaa ka qeybgalaya kulan gaar ah oo balaaran ka hor inta aysan dib ugu soo noqon xaflad duca ah oo ay isugu imanayaan halka uu Popka ka degenyahay xarunta Veticanka ee magaalada Rome.

Baadariyeyaashan ayaa noqonaya kuwa ka go’doonsan oo aan wax xiriir ah la laheyn dunida inteeda kale, ilaa ay ka dooranayaan hogaamiyahooda cusub.

Lama sheego inta ay howsha doorashada qaadato, laakiin maalin ma qaadi doonaan wax ka badan afar cod – oo lab aka mid ahna ay qaadayaan aroortii labana galbihii.

Dunidu waxey ogaan doontaa marka hogaamiyaha cusub la doorto, marka Qiiiq cad uu ka soo baxo – dhuun qiiqa qaada oo ka dul muuqata dhismaha Popeka uu ka degenyahay Veticanka.

Inkatoo aysan jirin cid ay si gaar ah u door bidayaan hadana hogaamiyaha la dooranayaa waa inuu helaa 77 cod – oo ah sadex meelood laba meel.

Pope Benedict ayaa ka yaabiyay dunida bishii la soo dhaafay, ka dib markii sideed sanadood ka dib uu noqday – hogaamiyihii ugu horeeyay ee diinta masiixiga oo muddo 600 oo sanadood ah – iskii xilka uga degga.
XS
SM
MD
LG