Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Codadkii Doorashada oo la Tirinayo


Natiijooyin horudhac ah ayaa muujinaya in Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dalka Kenya Uhuru Kenyatta uu hogaanka u hayo doorashadii madaxweynenimo ee maanta dalkaas ka dhacday.

Musharaxa Raila Odinga ayaa kaalinta labaad ku jira, iyadoo uu kaalinta sedexaadna ku jiro Musharaxa Mudavadi.

Ilaa iyo hadda ma cadda deegaanada ay codadku ka imanayaan.

Madaxweynaha xilka ka dagaya Mwai Kibaki iyo musharaxiinta u tartamaya jagada madaxweynaha, ayaa ku baaqay in la ilaaliyo amaanka, lagana fogaado wixii keenaya iska hor imaad

Labada nin ee ku horeeya ra’yi ururintii la sameeyay ka hor doorashada, Ra’iisul wasaare Raila Odinga iyo Ra’iisul wasaare ku xigeeka Uhuru Kenyatta, ayaa labadooduba balanqaaday inay xushmayn doonaan natiijooyinka ka soo baxa doorashada.

Dhinaca kalena Masuuliyiin u hadlay dowladda Kenya, ayaa sheegay in laba weerar oo lagu bartimaameedsaday booliiiska, ay ka dhaceen magaalada xeebta ku taala ee Mombasa goor hore oo Isniintii aheyd. Weeraradan ayaa waxaa ku dhintay 12 qof. Waxa ayna mas’uuliyiintu intaa ku dareen in koox gooni u goosad ahi ay ka danbeysay mid ka mid ah labada weerar, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan todobo sarkaal oo ka tirsan ciidanka booliiska ee Kenya.

Guud ahaan dalka Kenya waxaa aad u sareeya xiisadaha la xiriira doorashada waxaana goobaha codbixinta ee dalka la geeyey 100,000 oo ah ciidamada booliiska Kenya oo amaanka sugayey.

Wararkii ugu danbeeyey ee doorashada Kenya halkan hoose ka dhagayso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:08:09 0:00
XS
SM
MD
LG