Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo Laascaanood ku Xirtay Dad Taageeray Ra'iiusl-wasaaraha Cusub


Dabaal-degga 20-Guurada Somaliland
Dabaal-degga 20-Guurada Somaliland

Ciidamada Somaliland ayaa Laas-Caanood ku qabqabtay dad u badan haween oo soo abaabulay xaflad lagu taageerayay Ra'iisul-wasaare Saacid oo lagu qabtay Laas-Caanood.

Wararka laga helayo Laas-Caanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay maanta qab-qabteen dad ubadan haween ah oo lagu eedeeyay inay soo abaabuleen xaflad lagu taageeray ra'iisul-wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Xafladdan lagu taageeray ra'iisul-wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa waxay magaalada Laas-Caanood ka dhacday maalintii Arbacada, hasse yeeshee ciidamada Somaliland ayaa markii ay warbaahinta ka ogaadeen dadka soo abaabulay xafladaasi, waxay xalay iyo maantaba magaalada ka bilaabeen howlgal, waxayna soo qab-qabteen dad u badan haween oo ay ku tilmaameen inay soo agaasimeen xafladdaasi lagu taageeray ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya.

Haweenka la soo qab-qabtay ayaa lagu sheegay inay ku jiraan kuwo da'doodu weyn tahay.

Maamulka ka dhisan Laascaanood ee hoos yimaada Somaliland ayaan ilaa imika ka hadlin dhacdadan.
XS
SM
MD
LG