Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ethiopia iyo ONLF oo Nairobi Ku Kulmay


Dowladda Ethiopia iyo jabhadda ONLF ayaa wadahadallo ku yeeshay magaalada Nairobi.
wadahadalladan oo dhacay 6 ilaa 8 bishan ayaa waxaa la sheegayaa inay ka soo shaqeysay dowladda Kenya.

Bereket Simon, wasiirka warfaafinta ee Ethiopia ayaa xaqiijiyay wadahadalladan, wuxuuna sheegay inay tahay arrin wanaagsan oo dhinaca hore loo qaaday.

Jabhaddaha ONLF ayaa iyaduna xaqiijisay wadahadalladan. Afhayeenka Jabhadda ayaa VOA u sheegay in wadahadallan ay hor-dhac yihiin isla markaana labada dhinac ay ku heshiiyeen sidii ay sii wadi lahaayeen wadahadala, iyo in labada dhinac ay xal siyaasadeed u helaan colaadda dhexdooda taalla.
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:53 0:00
XS
SM
MD
LG