Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Michael Keating Oo Booqday Kismaayo


Michael Keating. Photo Courtsey of UN
Michael Keating. Photo Courtsey of UN

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa la kulmay madaxda Jubaland.

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa maanta booqasho ku taagay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Keating oo ay wehliyeen xubno kale oo beesha caalamka ka tirsan ayaa magaalada kula kulmay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo madaxda kale ee mamaulka Jubaland.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo hadlay kadib kulankii uu la qaatay Keating ayaa sheegay inuu qaatay go’aamadii ka soo baxay shirkii madasha Wada-tashiga ee jaan gooynayay hanaanka ay ku qabsoomi doonto doorashada 2016ka.

Warbixintan waxaa Kismaayo kasoo diray Khadar Maxamuud Xareed.

Keating oo booqday Kismaayo
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:55 0:00

XS
SM
MD
LG