Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kufsi & Dil Ka Dhacay Duleedka Kismaayo


Kismaayo
Kismaayo

Haweenka la kufsaday ayaa sheegay inay kufsadeen maleeshiyo usoo dhacday xilli habeen ah, oo sidoo kale dilay nin ku sugnaa guriga.

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegayo in hal qof ah oo ka mid ah dadka beeralayda deegaanka Goobweyn ee duleedka Waqooyiga magaaladasi ay malayshiyo hubaysani ku dileen halkaasi markii ay gurigiisa ugu soo dhaceen goor dambe oo habeenkii ah.

Waxaa falkasi dilka ah kadib, sidoo kale la kufsadey dumar ku sugnaa hoyga marxuumka la diley, sida ay sheegeen haweenkaas oo la hadlay warbaahinta

Mid ka mid ah haweenka falkaasi Kufsiga ah lagula kacay ayaa sheegtey in dableyda ay soo weerareen xili habeen ah dilka kadibna ay dhibaateeyeen iyaga oo dhowr dumar ah.

Illaa iyo hadda lama garanayo kooxdii ka dambeysay falkan, hase yeeshee maamulka Jubba iyo dadka deegaanka qaarkood ayaa waxa ay ku eedeeyeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Sahra Cabdi Axmed ayaa warbixintan ka diyaarisay.

Kufsi Ka Dhacay Duleedka Kismaayo
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:06 0:00

XS
SM
MD
LG